Somali News

Banaanbax ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Banaanbax looga soo horjeedo weerarkii Al-Shabaab ay ka geystay Ex-kontorool Afgooye ee magaalada Muqdisho  ayaa maanta lagu qabto dugsiga tababarka ee booliska Soomaaliya ee Janaraal Kaahiye ee  Magaalada Muqdisho.

Dibad baxan  oo ay isugu soo baxeen Kumanaan Qof oo ka kala socda 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka muuqata shucuur ay ku muujinayaan sida ay ugu  xun yihiin qaraxii Al-Shabaab dadka shacabka ah ku laaysay isgoyska Ex-kontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Bananbaxayaasha  ayaa waxaa ay wataan Boorar ay ku qoran yihiin erayo ay ka mid ah yihiin soo sheeg Al-Shabaab, Ardaydeena waa mustaqbalkeena iyo turkiga waa  walaalaheena.

Qaar ka mid ah dadka ka qeyb galay banaanbaxa oo  la hadlay KNN ayaa waxaa ay sheegeen in ay ka xun yihiin qaraxii dhawaan ka dhacay Isgoyska Ex-kontorool Afgooye ee Magaalada muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo ka hadlay banaanbaxa ayaa waxaa uu sheegay inuu aad ugu xun yihiin qaraxii Al-Shabaab ay ka geysteen isgoyska Ex-Kontorool Afgooye.