Somali News

Banaanbax ka socda Cope Town ee dalka Kofur Afrika.

Cape Town-KNN-Banaanbax xoog leh ayaa maalintii labaad waxaa uu ka soconayaa Magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika, kaasi oo ay dhigayaan dadka ajaanibta ee ka ganacsada dalkaasi.

Warayaha—KNN–  Wararka aan ka heleybo  dalka Koofur Afrika ayaa sheegayaa in dibad baxa uu ka soconayo afafka hore ee goobta uu ka socdo shirka dhaqaalaha aduunka ee Convention Centre.

Shirkani ayaa waxaa ka qeyb galeya wafuud ka socotaa dowladda Soomaaliya, halka dibad baxa dhigayana ay u badan yihiin dad Soomaali ah.

Qaar ka mid ah Banaanbaxayaasha oo KNN la hadlay ayaa sheegay in  sababta ay u dibad baxayaan ay tahay kadib markii ay u dulqaadan waayeen boobka loo geysto dukaamada ay ku leeyihiin dalka Koofur Afrika.

Maalmihii dambe ayaa waxaa kordhay boobka loo geysanayo goobaha gaacsiga ee ku yaala Magaalooyinka Waa weyn ee dalka Koofur Afrika.