Somali News

Banaanbax ka socda Muqdisho iyo iska horimaad ka dhacay Isgoyska KM4 ee Muqdisho

Banaanbixii looga soo horjeeday dowladda Soomaaliya ayaa ka bilaawday Muqdisho.

Hoggamiyaha xisbiga Wadajir Warsame ayaa horkacaya banaanbaxa oo ka socda xaafado kamid ah Muqdisho

Banaanbaxa kadib ayaa waxaa wararka ay sheegayaan in ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen musharixiinta mucaaradka ah ee hoggaminayay banaanbaxa.

Xubnaha banaanbaxa horkacayay ayaa waxaa ka mid ah Xasan Cali Khayre iyo Cabdirahmaan Cabdishakur, kuwaasi banaanbax ka dhigayay wadadda aada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyadoona ay ku soo wajahnaayeen Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Ciidanka ilaalada ka hayay Musharaxiinta iyo banaanbaxayaasha iyo ciidmaada ammaanka ayaa waxaa dhexmaraya is rasaaseyn kooban, waxaana dib u laabtay banaanbaxayaashii.