Uncategorized

Banaanbax ka socdo degmada Dharkeynlay ee gobalka Banaadir.

Muqdisho-KNN-Qaar ka mid ah shacabka ku nool degmada dharkeynlay ee gobalka Banaadir ayaa maanta dhigaya Banaanbax ay kaga cabanayaan dil dhawaan ka dhacay degmadaasi, dilka oo loo geestay Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Soomaaliya.

Shacabka Banaanbaxaya ayaa ka cabanaya dilkii maalmo ka hor Xaafadda kaaba-goday loogu geestay Alle ha u naxariistii C/llaahi Xuseen Maxamed Migiste oo ka tirsan Milatariga Soomaaliya sidoo kalane ka tirsanaa Tababarayaasha Ciidamada Soomaaliya.

Banaanbaxayaasha ayaa dalbanaya in cadaaladda la hor geeyo Askarigii dilka geestay oo sidoo kale ka tirsan Ciidamada amaanka Soomaaliya, Dowlada Soomaaliya ayaa wali ka hadlin Banaanbaxa ka socda degmadaasi iyo sidoo kale dilkii dhawaan ka dhacay degmadaasi.