Banaanbax looga horjeedo maamulka Puntland ayaa maanta waxaa uu ka dhacay deegaanka Xiingalool ee gobolka Sanaag.
Dibad baxa ayaa waxaa dhigayay dadka shacab ah ee ku nool deegaanka Xiingalool, waxaa ayna ka soo horjeedaan xil ka qaadistii lagu sameeyeeyay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland Dhooba-daareed.
Banaanbaxayaasha deegaanka Xiingalool, oo u badan dhalinyaro iyo haween ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah maamulka Puntland, iyagoona socod ku marayay waddooyinka Xiingalool xilli la filayo in Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland uu maalmaha soo socda booqdo degaanno ka tirsan gobolka Sanaag iyo deegaano kale.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in banaanbaxayaasha ay gudaha Xiingalool ku gubayeen taayirada gaadiidka.
Xiingalool ayaa kamid ah degaannada la filayo in uu booqdo guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, sida wararka ay sheegayaan.


