Somali News

Banaanbax looga soo horjeedo Al-Shabaab oo ka dhacay Gedo.

Muqdisho-KNN- Banaanbax looga soo horjeedo Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay Degmada Buurdhuubo ee Gobalka Gedo.

Dadka Banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa ay ka walaac ka muujiyeen guryo ay Al-Shabaab ka gubeen Shacabka ku dhaqan degmdaasi.

Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka ayaa waxaa ay sheegeen in ay ka horyimaadeen dhibaatooyinka Al-Shabaab ay ka geystaan Degmada Buurdhuubo ee Gobalka Gedo.

Ka qeyb galayaasha Banaanbaxa ayaa wacad ku maray in ay dagaal adag ay la gali doonaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyay ay dhibaato adag ay ku hayeen shacabka ku dhaqan deegaanada iyo degmooyinka Ka tirsan Gobalka Gedo.