Somali News

Banaanbax looga soo horjeedo Al-Shabaab oo ka dhacaya Muqdisho

Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ayaa Maanta xiran,waxaana lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa waxa lagu arkayaa Wadooyinka iyagoo taagan,waxaana dadka iyo gaadiida gaarka loo leeyahay ay  u diidayaan in ay isticmaalaan wadada,iyagoona dadka ay yihiin kuwo lugeeynaya.

Wadooyinka Ciidamada ay xireen ayaa waxaa kamid ah isgoyska Soobe, wadada ka baxda Suuqa Beerta ee aada dhinaca wadada Maka Almukarama, Isgoyska Ceelgaabta iyo wadooyin kale oo muhiim ah

Sababta ka dambeysay Arintan ayaa lagu sheegay in ay tahay in maanta  in saacadaha soo socda uu Xerada tababarka Ciidamada Booliska ee Janeraal Kaahiya in lagu qabto banaanbax looga soo horjeedo dagaalamayaasha  Al-Shabaab qaraxii ay ka fuliyeen Isgoyska Ex-Kontorool Afgooye ee Muqdisho.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Maamulka Gobolka Banaadir uu shaaciyay in  banaanbaxaasi  oo lagu wado  inay ka qeyb galaan Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya,ururada dhalinyarada Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah shacabka ku  nool Gobolka Banaadir.

Qaraxii ka dhacay isgoyska Ex-kontorool afgooye ayaa waxaa masuuliyadiisa sheegtay dagaalamayaasha Al-Shabaab.