Uncategorized

Banaanbax looga soo horjeedo Go’aankii Maraykanka Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda Israel oo Muqdisho ka dhacay

Muqdisho-KNN-Boqolaal ka mid ah Shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa maanta Salaadii Jimcaha kadib isugu soo baxay qaar ka mid ah Wadooyinka magaalada Muqdisho gaar ahaan Nawaaxiga Isgoyska Zoobe, kuwaas oo aad u cambaareeyay go’aankii Madaxweynaha Maraykanka Qudus ugu aqoonsaday Caasimada Israel.

Banaanbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku qorneyd Erayo ka dhan ah Dowladda Maraykanka iyo Maamulka Yahuudda ah ee Israel, waxay sidoo kale ku dhawaaqayeen hal ku dhag muujinaya qiimaha ay Muslimiinta u leedahay Qudus.

Dunida Muslimka ayay ugu baaqayn Banaanbaxayaasha in ay loo midoob Difaaca Qudus, hadii aan la iska kaashana ay noqon doonto dhabar jab xoog leh oo soo wajaho Muslimiinta Caalamka.

Shiikh Cabdi Xayi oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed sidoo kale ka mid ahaa Culimadii la hadashay Banaanbaxayaasha ayaa ka hadlay Arinta Qudus, waxa uu sheegay in Qudus oo Israel Caasimadda u noqoto ay tahay dhamaadka Muslimiinta, qof kasta oo Muslim ah ayuu sheegay in ay waajib ku tahay Difaaca Masaajidka Al-Aqsa iyo Qudus.

Sidoo kale maanta Salaadii jimcaha kadib waxa ay banaanbaxyo xoog leh ay ka dhaceyn meelo badan oo ka mid ah Dunida Islmaamka, waxaa Muuqato in ay sii kordhayso Carada ka dhalatay go’aankii uu Madaxweynaha Maraykanka Qudus ugu aqoonsaday Caasimada Israel.