Somali News

Banaanbax looga soo horjeedo xariga Roobow oo ka dhacay Bardaale.

Bardaale-KNN- Banaanbax looga soo horjeedo Xariga dhawaan loo geystay Mukhtaar Roobow  Cali Abuu Mansuur ayaa ka dhacay Degmada Bardaale ee Gobalka Bay, kaasi oo xiligan ku xiran Magaalada Muqdisho.

Dadka ayaa waxaa ay sheegeen in ay aad ugu xunyihiin falka lagula kacay Musharax Roobow, waxaa ayna arintaasi ay ku tilmaameen mid ay aad ugu xun yihiin.

Qaar ka mid ah dadka Banaanbaxa dhigayay oo KNN la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in walaac xoogan ay ka muujinayaan dhibaatada ay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya ay ka geysteen Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

Sidoo kale Dadweynaha ayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya ka dalbaday in la soo daayo Sheekh Mukhtaar Roobow, kaasi oo ku xiran Magaalada Caasimada ee Muqdisho.

Magaalada Baydhabo ee Gobalka bay ayaa la filayaa in Maalinta beri ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed, iyadoona maanta diyaar garow xoogan laga dareemayo magaaladaasi.