Somali News

Banaanbax looga soo horjeedo shirkii dhuusamareeb oo ka socda Cadaado

Cadaado-KNN-Banaan bax xoogan ayaa haatan waxaa uu ka soconayaa Magaaladda Cadaado ee Gobalka Galgaduud, sid uu soo sheegayo wariyaha KNN ee Cadaado Sharmaake Suulay.

Dadweyne aad u fara badan ayaa lagu arkayaa wadooyinka Magaalada Cadaado, kuwaasi oo dibad bax  ay kaga soo horjeedaan shirkii ku soo dhamaaday Magaalada Dhuusamareeb halkaasi ka dhigaya.

Qaar ka mid ah banaanbaxayaasha oo la hadlay KNN ayaa madaxda dowladda Dhexe ka dalbaday in ay cadeeyaann mowqifkodoa ku aadan Magaalada Cadaado.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa soo xiray shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Maamulka Galmudug oo maalmihii la soo dhaafay ka socday Magaalada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud.