Somali News

Banaanbax looga soo horjeedo Shirkii M/gobaleedyada oo ka dhacay Garbahaarey

Garbahaarey-KNN-Wararka Naga Soo gaaraya  degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayan in banaanbax looga soo horjeedo shirkii shalay lagu soo gaba gabeeyay Magaalada kismaayo uu ka dhacay degmadaasi,islamarkaana Madaxda maamul gobaleedyada ay ku hakiyeen xiriirkii ay la lahaayeen dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Waxgarad,Haween iyo Caruur ayaa banaanbaxa ka qeyb galay waxaana Garbahaarey  laga dareemaya in ay aad  u diidan yihiin shacabka  qorshaha uu madaxweynaha Maamulka Jubbaland ku dhibaateynayo shacabka ka soo jeeda deegaanada Jubooyinka iyo Gedo sida ay hadalka u dhigeen shacabkii dibaxbaxa ka qeyb galay.

Ma jiraan Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Garbahaarey ee Gobalka Gedo oo ka qeyb galay banaanbaxaasi.