Somali News

Banaanbax maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo

Baydhabo-KNN-Dibadbax looga soo horjeedo Carruur yar yar oo dhawaan lagu faraxumeeyay gobolka Bay ayaa maanta waxaa uu ka dhacay  Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Banaanbax ayaa waxaa ka qeyb galaya boqolaal dadweyne oo isugu jira Caruur, Haween, dhalinyaro iyo Odayaal, kuwaasi oo isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee Magaalada, iyagoona kasoo horjeeday falkii kufsiga ahaa dhawaan halkaas loogu geystay wiilal yar-yar.

Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay uga soo horjeedan falalka kufsiga ah, waxaana dadkaas ay Maamulka Koofur Galbeed ka dalbadeen in sharciga la horgeeyo cid kasta oo lagu qabto fal kufsi ah.

Shalay ayay aheyd markii ciidamada ammaanka ay magaalada Baydhabo ku toogteen laba Nin oo geystay fal kufsi ah.

Hayeeshee Maamulka koofur Galbeed ayaa ku goodiyay in aysan marnaba ogolaan doonin in deegaanka uu ka dhaco falal sidan  oo kale ah.