Somali News

Banaanbax maanta ka socda Muqdisho

Banaanbax looga soo horjeedo xirnaashaha wadooyinka ayaa haatan ka socda qeybo ka mid ah magaalada caasimada ee Muqdisho.

Boqolaal dadweyne oo u badan kuwa ka shaqeeya gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ayaa maanta banaanbax ka dhigaya wadada warshaha, gaar ahaan Isgosyada SOS, Ex-Kontorool Balcad iyo nawaaxiga Suuqa xoolaha ee Magaalada Muqdisho.

Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in loo furo wadooyinka maalmo ka hor dhagaxaanta ay dhigtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ka qeyb galayaasha banaanbaxa ayaa sheegay in culeys weyn ay wajahayaan, islamarkaana arrintan ay dhibaato badan ay ku qabaan.

R/wasaaraha soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalmo ka hor shaaca ka qaaday in la furay qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho ee dhagaxaanta ku xirnaa, hayeeshee ma jiraan weli gaadiid ka gudbi karta wadooyinka dhawaan dib dhagaxaanta looga qaaday