Somali News

Banaanbax Saaka Ka socda Muqdisho

Muqdisho-KNN-Boqolaal dhalinyaro ah ayaa Saaka waxa ay isugu soo baxeen Magaalada Muqdisho, kuwaa oo ka ashtakoonaya dilalka dhalinyarada Magaalada Muqdisho.

Isu soobaxan oo dhalinyaradu ay kasoo abaabuleen Warbaahinta Bulshada ayaa barqanimadii maanta waxaa uu ka bilaawday Isgooska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Dibadbaxan oo ay soo qabanqaabiyeen dhalinta waxbaratay ee Muqdisho ayaa waxa uu salka ku hayaa  ka dhiidhinta dilalka loo geestay dadka Magaalada ku  nool.

Kacdoonkan dhalinyaro ayaa waxa uu ka bilaawday wiil dhalinyaro ah oo dhowr Maalmood kahor lagu dilay Isgooska Banaadir meel ku dhaw.

Qaar kamid ah qaban qaabiyaasha Isu soo baxan oo la hadlay KNN ayaa sheegay in aysan joojin doonin kacdoonkan ilaa inta xal loogu helayo dilalka aan Salka laheyn uu Muqdisho ka dhaca.