Muqdisho-KNN-Kumanaan Shacabka muqdisho ah ayaa lagu wadaa in maanta ay isugu soo baxaan wadooyinka Magaalada Muqdisho iyo Garoonka Kubadda Cagta ee Koonis kuwaas oo dhigi doono Banaanbax loogu duceynaayo dadkii Marasta ahaa ee ku dhamaaday Qaraxii kq dhacay Isgoyska Zoobe ee Gobalka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa iclaamiyay Banaanbaxaan waxaana loogu baaqay Shacabka in ay muujiyaan dareenkooda ku aadan Qaraxii Zoobe loona duceeyo Shacabkii dhamaaday.
Iskuulada, Jaamacadaha iyo Goobaha kale ee waxbarashada iyo Xarumaha Ganacsiga ayaa la fasaxay waxaana ardayda Lagu amray in ay ka qeyb qaataan dibad-baxaasi.
Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay xalay ilaa waqtigaan waxaana saakay xiran wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho.