Garowe-KNN-Banaanbax rabshado wata ayaa maanta waxaa uu ka dhacay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, kaas oo ay dhigayeen dad ka careysan dil xalay ka dhacay magaalada Garowe.
Dilka ayaa la sheegay in ay geysteen ciidamada amaanka magaalada garoowe, sida ay sheegayeen dadka ka qeyb galayay banaanbaxa.
Dadka dhigaya banaanbaxa ayaa sheegay in ay ka cabanayaan dhacdadii ay ciidamada Amnigu xalay ku dileen mid kamid ah dadka magaalada Garowe.
Magaalada garoowe ayaa lagu arkayaa dad careysan oo gubaya taayiro, kuna gubaya albaabka hore ee xarunta Booliska Puntland.
Sidoo kale ka qeyb galayaasha banaanbaxa ayaa waxaa dalbadeen in cadaaladda la horkeeno ciidamadii ka dambeeyey dilkaasi, iyagoona ku doodaya inaan la aasi doonin ilaa iyo la soo qabto askarigii ka dambeeyay dilkaasi.
Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha booliska maamulka Puntland ee magaalada Garowe.


