Uncategorized

Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dadkii lagu dilay Bariire oo ka socda Shabellaha Hoose

Afgooye–KNN–Banaanbax looga soo horjeedo Dadkii Shacabka ahaa ee Shalay lagu dilay Duleedka Degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Maanta ka dhacay Degaanka Ceelasha-biya iyo Degmada Afgooye oo ka wada tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Boqolaal Ruux oo isugu jira Carruur iyo Haween ayaa isugu soo baxay Wadooyinka waa-weyne ee Degmada Afgooye iyo Degaanka Ceelasha-biyaha,kuwaas oo dalbanaya in Sharciga la soo taago Ciidamadii ka dambeeyay Dilka Dadka Shacabka ah.

Banaanbaxa ayaa imaanaya Xilli Shalay Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga Dalka Soomaaliya oo Garab ka helaya kuwa Dowladda Mareykanka ay illaa 10 Qof oo Shacab ah ku dileen Beer ku taalla Duleedka Degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay baareyso Howlgalka lagu dilay Dadka Shacabka ah ee ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose.