Somali News

Banaanbaxyo rabshado wata oo ka bilowday Tunisia

Tunis-KNN-Banaanbaxyo rabshato ayaa ka socda dhawr magaalo oo ay caasimadu ku jirto dalka Tunisia ayadoona dadku ka cabanayaan dhaqaalo xumo wadankaas ka jirta.

Boqolaal kun oo qof ayaa iskugu soo baxay wadooyinka magaalooyin ay ku jirto magaalada caasimada ah ee Tunis waxaana ay hakad geliyeen isku socodka magaalada waxaana ciidamo fara badan la dhigay wadooyinka muhiimka ah

Magaalada xeebta ku taala ee Sawsi la yiraahdo waxaa lasoo weriyay in ciidamado awood u adeegsadeen kala cayrinta dad banaanbaxayay ay oo ku fureen biyo kulul iyo suntan dadka ka ilmaysiisa.

Banaanbaxyada ayaa bilowday waxyar kadib markii r/wasaaraha dalkaas uu inta badan kala diray golihiisii wasiirada wasiiro cusubna uu soo magacaabay waxaana wasiirada is badalka lagu sameeyay ka mid ah wasiiradii arrimaha gudaha, cadaaladda, tamarta iyo caafimaadka oo wasiiro kale lagu badalay.