Hargeysa-KNN-Inta la ogyahay Sedax qof ayaa ku dhaawacantay banaan baxyo rabshado wata oo ka socda degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag.
Muda haraadyadaas ayaa waxaa dhigaya Ganacsatada Jaad-ka ee magaalada Gar-adag oo ka soo hor jeeda dhaawac iyo xarig ay Ciidamada Boolisku u gaysteen ganacsade Cali Ciid Nuur.
Howlgal ay si wada jir ah u sameeyeen Ciidamada Booliiska degmada Gar-adag iyo kuwa magaalada Ceerigaabo ayaa lagu dhaawacay Cali Ciid Nuur iyadoona ay ciidamadu xabsiga utaxaabeen, intii ay ku guda jireen soo qabashada ganacsadahaas ayaa rasaas uu furay Askeri Booliis ah waxaa ku dhaawacmay labo qof.
Ganacsadaha xariga iyo dhaawaca la iskugu daray ayaa Lacag deyn ah oo uu Jaad/Qaad ku siiyay waxa uu ku lahaa Taliyaha Booliiska degmada Gar-adag Cabdi Ciise Aadan.
Wararka ayaa sheegaya in Taliyuhu ka xumaaday markii ganacsaduhu uu taliyaha u doontay lacagtii uu ku lahaa, taasina ay sababta in uu Booliiska amro in ay ganacsadahaasi soo xiraan .
Shacabka magaaladaas oo ka gadoodsan arinkaas ayaa taagyaro ku gubaya gudaha magaalada Gar-adag waxaana rasaas ku kala kaxeynaya Ciidamada Booliiska Soomaaliland.