Somali News

Bandhigga buugaagta Muqdisho oo maanta bilaawday

Muqdisho-KNN- Maanta waxaa magaalada Muqdisho laga furay bandhigga buugaagta Muqdisho oo sanadkii afaraad si xiriira loo qabanayo.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa daahfuray carwo buugeedkan, waxaana ka qeybgalay gudoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Eng Yasriisoow, xildhibaanno, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Carwadan ayaa waxaa la sheegay in ay socon doonto muddo sedex maalmood ah, waxaana ka qeybgalaya dhowr boqol oo qorayaal Soomaali ah, oo soo bandhigi doona buugaag kala duwan, sidoo kale waxaa ka qeybgalaya kuwa ajanabi ah.