Somali News

Bandow ka dhaqan galay deegaano ay maamusho Soomaaliland

Hargeysa-KNN-Wararka aan maanta ka heleyno Gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in qeybo ka mid ah gobolkaas ay Xukuumadda Somaaliland Bandow kusoo rogtay.

Bandowga lagu sooragay gobolka Sanaag ayaa la sheegay in uu salka ku hayo, dagaal maalmihii lasoo dhaafay labo maleeshiyo beeleed ku dhexmaray deegaano ka tirsan Gobolkaas.

Saakay ayaa la sheegay in bandowgaas uu ka dhaqan galay degmada Ceel-Afweyn iyo deegaanada hoostaga, dadka ku nool deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaan kasoo xiganeynaa in laga soo bilaabo 7:00am Subaxnimo saakay aysan jirin wax iskusocod ah oo ay sameynayaan gaadiidka iyo dadweynaha deegaano badan oo ka tirsan Gobolkaas.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo kulan deg deg ah shalay la qaatay saraakiisha Ciidamada ayaa amray in Ciidamo la kala dhex-dhigo maleeshiyaadka ku dagaalamay deegaanada hoostaga degmada  Ceel-Afweyn, iyadoo saakay deegaanadii ay dagaaladu ka socdeen la geeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliland.