Somali News

Bandow lagu soo rogay dalka Mali

Muqdisho-KNN-Hoggaamiyeyaasha Milatariga Mali ayaa amray in la xiro dhammaan xudduudaha dalkaas, iyagoo soo rogay bandow habeenkii ah, sida uu ku dhawaaqay ku xigeenka madaxa Ciidamada Cirka ee dalkaas.

Wuxuu sidoo kale wada hadallo horseeda doorashooyin cusub ku casuumay kooxaha mucaaradka oo ku baaqayay in la sameeyo isbeddello dhab ah.

Xoogagga hubeysan ee Mali ayaa shalay xukunka ka tuuray madaxweyne Ibrahim Boubacar Keïta waxayna ballan qaadeen inay soo dhisayaan dowlad ku meel gaar ah kahor doorashooyinka cusub.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii uu madaxweynuhu ka soo muuqday telefishinka qaranka dalkaas kuna dhawaaqay inuu is casilay.

Isaga iyo ra`iisal wasaarihiisa ayaa iyagoo qori lagu hayo laga kaxeeyay caasimadda waxaana la geeyay xero milatari.

Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa cambaareeyay xukunka ay la wareegeen milatariga.

Urur-goboleedka Ecowas, ayaa isaguna ku dhawaaqay in la xiro xudduudaha dalkaas wuxuuna joojiyay ilihii dhaqaale.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa gelinka dambe ee maanta ka arrinsan doona arrintaas.