Boosaaso-KNN-Taliska qeybta Booliiska gobolka Bari ayaa ku amray shacabka magaalada Boosaaso in aan wax gaadiid ah la isticmaali, bandowga gaadiidka magaaladaas ayaa dhaqan galay xalay 12:00am, waxaana maanta oo Axad ah kuna asteysan maalinta koowaad ee Ciidda Carrafo oo si weyn looga dabaal dagayo deegaanada maamulka Puntland.
Taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamud ayaa sheegay in go’aankaas ay u qaateen si loo adkeeyo amniga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, maadaama sida uu sheegay ay dad badan isusoo baxayaan si ay salaadda Ciidda u ogaan.
Sidoo kale maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo taliska Booliiska gobolka ayaa mamnuucay in Lagu dukado Garoonka/Isbartiibada Kubadda cagta ee magaalada Boosaaso, kaas oo horay Saladaha Ciidda loogu duka Jiray.