Somali News

Bangaladheesh oo dalkeeda u diiday Doon siday tahriibayaal reer Burma ah

Dhaka-KNN-Wasiirka arrimaha dibbadda dalka Bangaladesh AK Cabdul Muumin ayaa sheegay in dawladiisu hadda diyaar u ahayn inay aqbasho inka badan 80 ruux oo ah Muslimiinta Burma oo muddo todobaadyo saaran doon badweynta taagan.

Wasiir Cabdul Mumin waxaa uu sheegay inay jirin wax ku qasbaya inay qaxootaas dalkeeda u fasaxdo sida uu yiri.

Wasiirka arrimaha dibbadda Bangaladesh waxaa uu sheegay inay ka fekarayaan sidoo ay dawlada ay dariska yihiin ee Hindiya u gudbiyaan doontaan oo ay saaranyihiin 81 ruux oo ay ka cararay dhibaatada ka taagan wadanka Myanmar.

Wasaaradda arrimaha dibbadda Hindiya waa ay ka gaabsatay inay ka hadasho arrinta doontaan iyo jiritaanka warka ah inay la xariireen madaxda dawlada Bangaladesh.

Ciidamada badda Hindiya ayaa jimcihii sheegay inay doontaan ka dajiyeen illaa 8 ruux oo ay xaaladoodu aad u adkayd.