Guddiga sare ee maamula Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa xalay ansixiyey in la ogolaado in labo Banki ajnabi ah laga furo gudaha Soomaaliya, gaar ahaana Muqdisho oo ay Laamo/Branch ku yeeshaan.
Banque Misr oo ah Bangi laga leeyahay Masar ayaa kamid ah Bangiyadan la meelmariyey, kaas oo ay horey u diiday sharcisiintiisa dawladdii hore ee Farmaajo, hogaaminayay, ka dib markii eedo loo jeediyey.
Bangiga 2aad ayaa ah Ziraat-Bank oo kamid ah bangiyada ugu fiican ee dalka Turkiga, wuxuuna kor u qaadayaa imaanshihiisu xariirka ganacsiga ee labada dal.
hoos ka Akhriso warqad kasoo baxday bangiga dhexe ee Soomaaliya