Muqdisho-KNN-Shacab aad u fara badan ayaa is kugu soo baxay fagaare ku yaalla magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo.
Dadkan shacabka ah ayaa dhigayay bannaan bax ka dhan ah madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Qaar ka mid ah shacabkii bannaanbaxa dhigayay oo la hadlay warbaahinta, ayaa waxa ay si weyn u dhaliileen caleemasaarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyagoo tilmaamay in doorashada uu ku soo baxay ay ahayd mid aan sharciga waafaqsanayn .
Dhanka kale waxa ay dhaliil weyn u soo jeediyeen madaxdii ka qayb gashay caleemasaarka Axmed Madoobe, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen madaxweynayaal hore.
Waxa ay intaa ku dareen, in ay u baahan yihiin in ay qabsadaan doorasho xalaal ah, isla markaasina ay arrintaas kala kaashan doonaan madaxda Dawladda dhexe ee Soomaaliya.
Shalay ayay ahayd markii Axmed Madoobe madaxweynaha jubbaland, lagu caleemasaaray magaalada Kismaayo, waxaana xafladda caleemasaarkiisa ka qayb galay masuuliyiin fara badan .