Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha xilka kala wareegay ee Mareykanka Donald Trump.
Obama waxa uu sheegay in cudurka saf-marka ah ee Coronavirus uu banaanka keenay tayada hoggaamiyaal badan, isaga oo Trump ku tilmaamay mid ku fashilmay hoggaaminta dalka.
Waa markii labaad uu Mr Obama madaxwayne Trump ku eedeeyo in uu ku fashilmay ka jawaabidda COVID-19.
Mareykanka oo halka ugu badan ee laga helay kiisaska xanuunkan iyo sidoo kale ah wadanka hoggaaminaya dhimashada ugu badan ee uu caalamka ka geystay Coronavirus.