Somali News

Baraha Kontaroolada Muqdisho oo xalay la kormeeray

Muqdisho-KNN-Hogaanka ciidamada Booliska iyo Asluubta Soomaaliya ayaa xalay waxa ay kormeer ku sameeyeen qaar kamid ah, baraha Kontaroolada ee ciidamada Boolisku kaga suganyihiin magaalada Muqdisho.

Kormeerkan ayaa waxaa ku wehlinayay taliyaasha Booliska iyo Asluubta, taliyaha qeybta Booliska gobolka banaadir iyo saraakiil kale.

Kormeerkan oo saraakiishu ay  ugu kuurgalayeen shaqada ciidamada ee xilliga habeenkii ah, ayaa laga bilaabay deegaanka Gubadley oo Bariga caasimadda ku yaalla, waxaana sidoo kale saraakiishu soo mareen baraha wax laga hubiyo  ee kala ah Shineemo Cabdi waayeel, Ex-Kontarool Balcad, Ceemiska, Carafaad, Qabuuraha Barakaat, Deyniile, Tareedisho, Ex- Kontarool Afgooye iyo Kaxda, rugaahaa oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada ku howlan amaanka Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac ayaa Ciidankii ku sugnaa goobihii ay kormeerka ku sameeyeen waxa ay ku boggaadiyeen shaqada adag ee ay hayaan, iyaggoo kula dardaarmay inay dardar geliyaan hawsha Qaranka ay u hayaan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa isbarbar socda falalka amni darro ee magaalada ka dhacaya iyo howlaha laamaha amniga ay had iyo jeer sheegeen in ay ku sugayaan amaanka caasimadda.