Balcad-KNN-Wararka ka imaanaya inta u dhexeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in Barakac xoogan ay maanta sameynayaan dadka shacabka ah ee ku sugan deegaanada ay maleeshiyaadka ku dagaalameen.
Barakaca meelaha ay maanta ka socdaan ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Goliley, iyo tuulooyin kale oo Hoostaga Degmada Balcad ee Gobalka shabeelaha dhexe.
Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in cabsi badan ay ka muujinayaan dadka shacabka ah, iyagoona ka cabsi qaba in markale uu dagaal xoogan uu halkaasi ka dhaco.
Dagaalkii ka dhacay deegaanka Goliley ee Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 3 qof, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawascmeen.
Xaalada deegaanka ayaa hada waxaa ay tahay mid degan,iyadoona odayaasha dhaqanka ay wadaan waan waan lagu joojinayo dagaal beeleedka ka taagan Deegaanadda u dhow degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Hoose.