Somali News

Barakacayaal ka yimid M/Marka oo soo gaaray Degmada Kaxda.

Muqdisho-KNN-Degmada kaxda ee gobolka banaadir waxaa saacadihii la soo dhaafay soo gaaray dad aad u fara badan oo ka soo barakacay degmada marka ee xarunta G/sh/hoose.

Dadkan ayaa degmada marka waxaa ay bilaabeen in ay kasoo barakacaan, kadib markii halkaas Al-shabaab iyo ciidamada dowlada ay ku wada dagaalameen,iyadoona mararka qaar Al-shabaab degmada ay ku soo tuuraan madaafiic.

Qaar kamid ah barakacayaasha oo   la hadlay Idaacada kulmiye waxaa ay sheegeen in intii ay wadada ku soo jireen ay la kulmeen dhibaato tiro badan oo ay ka mid tahay kufsi loo geystay,islamarkaana hada ay ku dhibaateysan yihiin kaam ku yaallo degmada kaxda ee gobolka Banaadir.

Magaalada Marka ee xarunta gobolka/sh/hoose ayaa ciidamada Xoogga waxaa ay la wareegen gacan ku haynteeda horaantii bishii aanu soo dhaafnay,iyadoona inta badan dadkii ku noolaa marka ay u soo barakaceen gudaha Muqdisho iyo duleedkeeda.