Sports

Barcelona oo u dhaqaaqaysa badalka Andres Iniesta.

Muqdisho-KNN-Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tottenham Hotspur Christian Eriksen, iyada oo uu ugu sareyo liiskooda ciyaartoyda suuqa kala iibsiga si ay ugu bedelaan xidigooda Andres Iniesta.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa lagu soo waramayaa inuu ka tagayo Camp Nou dhamaadka xilli ciyaareedkan ka hor inta uusan u dhaqaaqin kooxda reer China ee Tianjin Quanjian.

Iniesta ayaa horaantii bishii April shaaca ka qaaday in uu go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa, kaasoo la filayo in la shaaciyo dhamaadka bishaan.

Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Star, Blaugrana ayaa isha ku heysa inay lumiso kabtankooda, taasoo keentay inay u dhaqaaqaan Eriksen xagaaga soo aadan.

Si kastaba ha ahaatee, warbixintan, ayaa soo jeedineysa in kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid ay sidoo kale xiiseyneyso ciyaaryahanka Spurs.

 Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Denmark ayaa dhaliyay 14 gool, waxaana uu 11 gool ka caawiyay tartamada oo dhan kooxdiisa Tottenham.

qalinkii:Aadam Aqyaar.