Sports

Barcelona oo xagaaga danbe doonaysa Pogba Sabab?

Muqdisho-KNN-Kooxda kubada cagta Barcelona ayaa aqbashay hadalka kasoo yeeray kooxda Manchester United oo ah inuusan Iib ahayn Pogba.

Xidiga qadka dhexe ee xulka qaranka France ayaa lahadal hayay inuu ka dhaqaaqayo masraxa Riyada iyadoo la isla dhex marayay inuusan ku qanacsaneen inuu sii joogo Mancheater United.

25 jirkaan ayaa ku hogaamiyay xulkiisa France koobkii aduunka Rushka kusoo idlaaday oo uu kula guulaysatay xulkiisa waxaana uu bartilmaameed u ahaa kooxda Barcelona.

Sikastaba sida uu daabacayo war sidaha “Sunday Express” Barcelona ayaa hada doonayan Pogba laakiin xagaaga danbe ayay isku dayaysaa inay soo qaadato xidigan