Sports

Barcilona oo booqan doonta Sevilla Real Madrid oo u safri doonto Las Palmas iyo dhamaan ciyaaraha ka dhici doono caawa iyo galabta horyaalka Spain.

Muqdisho-KNN-Kulamo xiiso badan ayaa caawa laga ciyaari doona horyaalka Laliga kuwaa oo ay ciyaari doonaan kooxaha ugu tunka wayn horyaalkaas sida Barcilona iyo Real Madrid.

kooxda horyaalka haysa ee Barciloana ayaa booqan doonta hoyga Sevilla natiijadaaas ayana ahan doonta mid xiiso usii yeeli karta horyaalka waa hadii dhibcaha ay ka reebtaan xirta macalin Montella oo gurigooda lagu madlansanyhay kooxda Barcilona, hadaysa guul kala soo laawata barcilona hooyga Sevilla waxay kusii dhawaan doontaa hanashada Lalliga.

Dhankakale Real Madrid aya u safri doonto hoyga Las Palmas iyadoo hankii horyaalka aanan hami badan siisiinaynin.

C/ronaldo aya lagasoo tagay isagoo aanan ka mid ahayn safarka kooxda Las Palmas usoo dhaqaaqday, badidood ciyaartoyda u muhiimsan ayuuna macalin Zidan nasin doonaa kulankan.

Haddaba waa kuwan dhamaan kulamada caawa iyo waqtiga la dheeli doono horyalka Spain.

Girona Vs Levante 2:00 duhurnimo (XGA)

Athletic Bilbao VS  Celta Vigo  5:15 galbnimo (XGA)

Las Palmas VS  Real Madrid 7:30 fiidnimo (XGA)

Sevilla  VS   Barcelona 9:45 fiidnimo (XGA)

by Aadam Yusuf Ahmed  Aqyaar