Sports

Barcilona oo u dhaqaaqaysa keenida Camp Nou ciyaaryahan Luke show.

Muqdisho-KNN-Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay xagaaga soo aadan u dhaqaaqdo daafaca dambeedka bidix ee kooxda Manchester United Luke Shaw.

Kooxda reer Catalan ayaa la rumeysan yahay inay xiiseyneyso inay hesho waji cusub oo ka ciyaara booska daafaca bidix xidig xulka England ayayna xiisaynaysa inay u dhaqaaqdo helidiisa.

22 jirkaan ayaa ku dhibtoonaya inuu si joogta ah ugu ciyaaro kooxda manchester untd tan iyo  intii uu macalin ka ka noqday tababare Jose Mourinho xilli ciyaareedkan isagoo ku bilaabay 6 kulan oo Premier League ah Shaw ayaa sidoo kale si cad u cambaareeyay tababaraha reer Portugal mudo labo sano ah.

Sida laga soo xigtay The Mirror, Barcelona ayaa isha ku heysa xaaladda waxayna ka fiirsaneysaa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahankii hore ee Southampton.

Shaw ayaa lu tartami doona Jordi Alba booska daafac bidix Barcilona haduu yimaado garoonka Camp Nou.