Uncategorized

Barlamaanka Kenya Oo Soo Jeediyay in la hubeeyo Dhalinyarada G/Tana Rive si looga adkaado Al-shabaab.

Muqdisho-KNN-Labo Xilibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Kenya iyo Senator-ka Gobolka Tana Riva  ayaa weydiistay Dowladda Kenya in ay hubeeyso Booliiska Keeydka ah iyo dhalinyaradda Gobolka si ay ula dagaalamaan Al-shabaab.

Cali Guyo, ilyas Cali Hanshaka iyo Senator Juma Wario  ayaa sheegay in ay Muhiimtahay in Dadka Gobolka Tana Riva ay ku Biiraan Dagaalka ka dhan ka ah –Al-shabaab.

Mudaneyaashaan oo ka hadlay Munaasabad Lacag lagu aruurinayay oo lagu qabtay magaaladda Laini ee Gobolka Tana Rivas ayaa sheegay in Dad ka Deegaanka Muddo badan lacabsigaliyay aysanna u dulqaadan Karin weerarro kale oo dheeri ah. Waxaay sheegeen in xalku uu yahay in la hubeeyo Dadka Deegaanka si ay al-shabaab uga saaraan dhulka Duurka ah ee ciidamadda Booliisku ku guul dareeysteen in ay ka saaraan.

Xillibaan Ali Guyo ayaa Dowladda Kenya waxaa uu ku eedeeyay in ay ku guul dareeysatay in ay sugto Amaanka Dadka shacabka ah taasina ay lagamamaaarmaaanm ka dhigeeyso in dad ka la hubeeyo si ay isu Difaacaan.

“Waa waqtigii Dadka Deegaanku ay muujin lahaayeen in ay Amaanka Sugi karaan, waxaan Dalbaneeynaa in nala siiyo hubka fudud si aan argagixisadda u wajahno” ayuu yiri.

Cali Guyo ayaa Hadalkiisa ku daray in Al-shabaab aysan xaq u lahayn in ay Muslimiin isku sheegaan iyadoo ficiladooduna aysan meelna uga jiran Islaama” sida uu hadalka u yiri.

Mudaneyaashaan ka Tirsan Baarlamaanka  Kenya ayaa u arka Soojintooda in ay horseedi karto Al-shabaab looga adkaaado Kenya iyadoo la adeegsanayo Dad ka Shacab ka ah iyo Booliiska keyed ka ah.