Somali News

Barlamaanka Kilinka Shanaad oo deg deg la isugu yeeray

JIgjiga-KNN-Wararka aynu ka heleyno magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka ayaa waxa ay sheegayaan in halkaa saaka kulan deg deg la isugu yeeray xubnaha golaha Barlamaanka ee Kilinka Shanaad.

Kulankan ayaana si rasmi ah loo ogeyn waxyaabaha looga hadli doono, balse isu imaatinkan ayaa ku soo aadaya iyada oo isbadal badan uu ka jiro dowlad deegaanka, oo xitaa calankii iyo magacii gobolka la badalay.

Mustaf Cagjar oo ah Madaxweynaha Cusub ayaa isna la filayaa in uu saacadaha soo aadan gaaro magaalada Jigjiga.