Somali News

Barnaamijka Telegram hawada laga saaray qeybo kamid ah Soomaaliya

Barnaamijka farriimaha lagu wadaago ee Telegram ayaa hawada ka maqan tan ilaa xalay Koofurta iyo Bartamaha dalka, taasi hadal hayn ka dhex abuurtay bulshada.

Barnaamijkan ayaa balse ka shaqeynaya deegaannada Somaliland, sida ay KNN u xaqiijiyeen dad ku sugan halkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa 24 bishaan amartay ugu dambeyn shirkadaha Isgaarsiinta in ay joojiyaan Barnaamijyada TIKTOK, Telegram, iyo 1Xpet.