Uncategorized

Baxreyn”Dowlada Soomaaliya waa ka abaal dhacday Imaaraadka Carabta”

Muqdisho-KNN-Sheikh Khalid Binu Ahmed Al-Khaliif Wasiirka Arimaha dibadda Dalka Baxreyn ayaa ku eedeyey Dowladda Somaaliya mid ka abaal dhacday wanaagii iyo waxtarkii Dawlada Imaaradka Carabta u gashay dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka ayaa aad u muujiyay  taageerada dhinac walba leh ee dawlada Imaaradka Carabta la garab taagneyd dalka Soomaaliya markii ay ku jirtay wakhti aad u adag.