Somali News

Baydhabo: Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay isku dhac Ciidan

Baydhabo-KNN-Ciidamo ka wada tirsan maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku dagaalamay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ahna Xarunta KMG ee maamulkaas.

Is rasaasey mudo socotay ayaa la sheegay in ay dhex  martay Ciiadamada, iyadoo mudo ay dagaalamayeen ka dib ay kala dhex galeen Ciidamo kale oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawax.

Ilaa Afar ruux ayaa is rasaaseyntaas ku geeriyootay oo mid ka mid ah uu ahaa qof shacab ah halka Sedaxda kalana ay ka tirsanaayeen Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale Shan ruux oo isugu jira shacab iyo Askar ayaa la sheegay in dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen gacan ka hadalka dhexmaray Ciidamadaas ka wada tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Isku dhaca Ciidamadaas ayaa la sheegay in uu ka dhashay dul la isku heystay oo ku yaala magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.