Baydhabo-KNN-Taliska Ciidamada Booliiska maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ka mamnuucay in la keeno Gaadiidka Bajaajta loo yaqaano si xowli ah Ganacsigeeda uga socdo gobalka Baay.
Taliska Booliiska oo shir jar’aaid ku qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegay in laga bilaabo shalay oo ku beegneed 4-5-2018 la ogolaan doonin in la keeno Bajaaj Cusub Gudaha magaalada, Cidii lagu arkana lagala wareegi doono.
Laamaha amaanka ayaa lagu wargeliyay in la soo qabto hadii ay arkaan Gaari Bajaaj Cusub, Koofur Galbeed ma sheegin tirada hadda shaqeysa iyo sida loo xakameen karo in Bajaaj Cusub la soo geliyo magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.