Somali News

Beelo heshiis ku gaaray Galmudug kadib dagaal dhex maray.

Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan Galmudug ayaa sheegaya in labo beelood oo dhawaan ku dagaalamay gobolkaas ay heshiis ka gaareen dagaalkii dhex maray.

Ciidamada amaanka iyo madax ka tirsan kuwa Galmudug ayaa xooga saaray sidii loo dhameyn lahaa dagaalkaas ka dhacay deegaano ka tirsan Galmudug ee dhex maray Beelo Walaalo ah oo Wada Daga degaanada Baxdo-Gaabo iyo Docoley oo Muddo Xiisad u dhexeysay.

Ciidamada Ammaanka dowlad goboleedka Galmudug iyo Kuwa Federalka oo ay Wahlinayaan Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Galmudug, Maamulka Gooblka Mudug iyo Waxgaradka Labada Beelood ayaa sheegay in Dhaqangalinta Heshiiskaas loo baahan yahay in ay meel mariyaan beelaha ku dagaalamay halkaas.

Dagaalkaas ku dhex maray deegaanadaas labo beelood ayaa waxa uu ka bilowday ceel-biyood kaas oo hada dib loo furay kadib markii ceelkaas la xiray dagaalkaas ayaana geestay khasaaro kala duwan.

Sawiro