Somali News

Beesha caalamka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland oo shir yeelanaya

Wakiilada beesha caalamka ayaa maanta la filayaa inay la kulmaan Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa fashilka ku yimid shirka u dhexeeyay madaxda DFS, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa ku soo aadaya, kadib markii xalay magaalada Muqdisho ay kulan ku yeesheen Madaxweynayaasha Galmudug, Hirsharbelle iyo Koofur Galbeed iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Sida ay sheegayaan wararka Maamulada taageersan dowladda, waxaa ay eedda saareen Jubbaland iyo Puntland, waxaana ay codsadeen in la fasaxo oo dib deegaanadoda ugu laabtaan.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ka diideen dalabkooda ahaa in la fasaxo, waxaana lagu wargeliyay cidii shirka ka baxda loo aqoonsan doono qaswade