Uncategorized

Beesha Caalamka Oo Ka Digtay Is qab qabsi ka dhashay Hirshabeelle baaqna ka soo saartay doorashada Jowhar.

Jowhar-KNN-Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Ethiopia, Talyaaniga, Sweden, Boqortooday Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa si dhow ula socda arrimaha ka dhacaya HirShabelle ka dib markii Qaar Ka mid ah Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Ay sheegeen  in xilka ka qaadeen  Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble 14kii bishii Agoosto.

Iyagoo garowsan saaxiibada Caalamka Ee Soomaaliya in Md. Cosoble uu diiday hanaanka xil ka qaadidda, saaxibada Soomaaliya ee caalamka waxay dhammaan dhinacyada ugu baaqayaan inay sii wadaan dadaallada wax lagaga qabanayo arrintan muhimka ah iyadoo la raacayo hababka dastuuriga ah iyo kuwa sharciga ah ee u degsan, kana fogaadaan falalka wax u dhimi kara xoojinta hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada.
Iyadoo la eegayo maalgashiga weyn ee dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha ee lagu bixiyay hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada iyo dadaallada tayo dhiska ee hadda socda, saaxiibada caalamku waxay si gaar ah uga walaacsanyihiin iskudayga la sheegay in Madaxweyne Lagu dooranayo Jowhar, taasi oo sii murjineysa Siyaasada Hirshabelle waxay saaxiibada Soomaaliya ay Ku baaqayaan in aysan ku deg Degin Guddoonka iyo Xildhibaanada Hirshabelle in doorasho ay qabtaan islamarkaana aysan horseed u noqon in Hirshabelle ay yeelato laba Madaxweyne.
Dhinaca kale qorshaha Magaalada Beledweyne ka socda  ee dowlad goboleed gooni ah loogu sameynayo gobolka Hiiraan ayay walaac daran ka muujiyeen, Tallaabooyinkaasi ay dhinacyadu iskood ugu dhawaaqeen oo aan asaas sharci lahayn, isla markaasna waxyeelleynaya dadaallada dhisidda dowlad goboleedyada iyo xasilinta ee hadda socda waxay keenayaan dhibaato waxayna abuurayaan welwel.
Saaxiibada caalamku waxay dhammaan dhinacyada ugu baaqayaan inay raacaan hanaanka sharci ee loo dejiyay in lagu dhaqmo, dastuurka HirShabelle iyo habraaca baarlamaanka ee u degsan.
Saaxiibadu waxay ku adkeynayaan Dowladda Federaalka iyo Mas’uuliyiinta Hirshabelle muhimadda ay leedahay in la ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed ee lagama maarmaanka u ah in horumar dheeraad ah laga gaaro hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada lana xaliyo Khilaafka ba’an ee ka Jira Dowlad Goboleedkani Curdunka ah ee Hirshabelle iyo sii xoojinta habka federaalka ka jira Soomaaliya.