Muqdisho-KNN-War kasoo baxay Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Ingiriika iyo Mareykanka ayay kaga hadleen Xaaladda Siyaasadeed ee kasoo cusboonaatay Soomaaliya.
Madaxda Dowladda waxa ay usoo jeediyeen in ay dhowraan Shuruucda dalka u taalla, sidoo kalane ay ka shaqeeyaan Xasilooni siyaasadeed in dalka lagu wajaho in aanan u dhabarka ugu jabin Hormarka Soomaaliya.
Si gaar ah waxa ay ugu baaqeen Hay’adaha Fulinta iyo Sharci Dajinta in aysan u horseedin is qab-qabsigooda Foowdo iyo kala dambeyn la’aan dalka uu galo.
Beesha Caalamka ayaa ku baadqay in Xal siyaasadeed la kala dhex-dhigo labadaan Hay’adood ee fulinta iyo Xeer dajinta oo kamid ah Tiirarka ugu waa weyn ee Dowladda.
Waxaana warka kasoo baxay lagu sheegay in ay maqlayeen kulamada iska soo horjeeda ay yeelanayeen Xubnaha Mooshinka wada iyo kuwa kasoo horjeeda, wax walibana lagu xaliyo Sharciga oo loo hogaansanaado.
Ugu dambeyn waxa ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan Cid waliba oo u istaagta daminta Xiisadaha Siyaasadeed, una saldhigta Nidaamka iyo kala dambeynta Soomaaliya.
Walaaca Beesha Caalamka ayaa imaanaya Xilli Guuxa Magaalada uu yahay Mooshinka ka dhanka Gudoomiye Jawaari, Ciidamada Hay’adda Fulinta ay geysay Xarunta Baarlamaanka iyo isbadalka Daqiiqad waliba dhici kara