Somali News

Beesha Caalamka oo walaac ka muujisay Rabshadihii ka dhacay Hargeysa

War-saxaafadeed ka soo baxay Xubnaha Beesha Caalamka ee Maamulka Somaliland ka taageera geedi socodka Doorashooyinka iyo Dimuqaraadiyadda ayaa waxaa ay walaac ka muujiyeen Rabshadihii shalay ka dhacay Magaalada Hargeysa.

Qoraal ay si wada jir ah usoo saareen waddamada UK, Finland, Netherlands, Norway, Denmark, Sweden, Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub, ayaa waxaa lagu yiri:

 “Saxibada caalamiga ah ee la socda nidaamka dimuquraadiyadaynta Somaliland, waxay aad uga walaacsanyihiin dhacdooyinkii gacan ka hadalka watay ee Hargaysa ka dhacay kadib bannaanbixii siyaasadeed ee maanta, waxaanu dhamaan dhinacyada ku boorinaynaa in ay is xakameeyaan, si xaalada loo dajiyo, oo dhaawac iyo dhibaato looga fogaado”.

“Si loo ilaaliyo nabada, daganaanshaha iyo dimuquraadiyada Somaliland waxa muhiim ah, in dhamaan dhinacyadu ka qayb qaataan wadahadalo wax ku ool ah, oo joogto ah, si is afragad looga gaadho sidii hore loogu sii socon lahaa”.

Rabshadaha ayaa ka dhashay ka dib markii Ciidamada Ammaanka Somaliland ay rasaas nool u adeegsadeen kala eryida Dad shacab ah oo ay horkacayeen Madaxda Xisbiyada Mucaaradka Somaliland, kuwaasi oo bannaanbax ka dhigayay Bartamaha Hargeysa.

Dhacdadaasi waxaa ku dhaawacmay ilaa tobban ruux oo ay ku jiraan Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyadda Mucaaradka, waxaana Xabsiga la dhigay tiro kale oo ilaa hadda aan la sii dayn.