Somali News

Beesha Caalamka oo war ka soo saartay Xaaladda Magaalada Laascanood

War saxaafadeed ka soo baxay Saaxiibada beesha caalamka ayaa looga hadlay Xaaladda magaalada Laascaanood oo saacadihii la soo dhaafay ka dhaceen dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac, kaasi oo u dhaxeeya Ciidanka Somaliland iyo dadka magaaladaasi.

“Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa aad uga walaacsan rabshadaha haatan Laascaanood ka socda ee sababay waxyeellada dad rayid ah oo ay ku jiraan carruur.

Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo qaboojiyo colaadda, ilaalinta rayidka, gargaar bani’aadamnimo oo aan la carqaladayn iyo in xiisadaha lagu xalliyo si nabad ah iyadoo loo marayo wadahadal” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Saaxiibada Caalamiga ee Soomaaliya.