Somali News

Beladweyne oo Xalay lagu dilay Ganacsade ka mid ahaa Ergadii soo doortay mid ka mid Xildhibaanada Soomaaliya

Beladweyne-KNN-Faafaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil Xalay fiidkii magaalada Beladweyne loogu geystay Ganacsade ka mid ahaa Ergadii soo dooratay mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Cali kaas oo rag hubeysan ay ku dileyn afaafka hore goob Ganacsi uu ku lahaa magaalada Beladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay AUN Cabdi Cali in uu ka mid ahaa Ganacsatada magaalada kuwoo ugu Caansan Xaafada Cilmi Lows.

Ciidamada amaanka ee magaalada Beladweyne ayaa gaaray goobta uu ka dhacay dilka inkastoo aysan jirin cid ay u soo qabteen falkaas dilka ah ee magaalada ka dhacay.