Somali News

Beledweyne: Khilaaf soo kala dhex galay Yuusuf Dabageed iyo Cali Jeyte

Beledweyne-KNN-Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in saakay ay ka jirto xiisad ka dhalatay gadood ay sameeyeen ciidamadii la sheegay inay kasoo goosteen Jeneraal Xuud.

Ciidamadaas ayaa ku xareysnaa xerada Lama-Galaay oo ku taalla afaafka hore ee magaalada Beledweyne, waxaana la sheegay inay ka gadoodeen balan baxyo ay ka tirsanayaan wasiirka arrimaha gudaha DF Jeneraal Mukhtaar.

Sidoo kale waxaa soo shaac baxay khilaaf culus oo soo kala dhex galay madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte.

Khilaafka labadan masuul ayaa salka ku haya canshuurta gobolka, taas oo la sheegay in Yuusuf Dabageed uu ka dalbaday guddoomiye Jeyte inuu ku soo wareejiyo, balse guddoomiyaha ayaa ka biya diiday dalabkaas.