Somali News

Beydhabo: khasaare ka dhashay Bam gacmeedyo lagu weeraray Bar Koontorool

Beydhabo-KNN-Faah-faahino ayaa ka soo baxaya Bar Koontorool oo Ciidamada amaanka Koonfur Galbeed Magaalada Beydhabo ee gobalka Bay ay ku baarayeen gadiidka oo xalay lagu weeraray Bam gacmeed.

Fiidkii hore ee xalay ayaa koox bambaanoyin ku hubeysan waxa ay weerareen Bar Koontorool oo lagu magacaabo AL-Axmaar oo Ciidamada amaanku ku leeyihiin gudaha magaalada Beydhabo.

Ilaa Sedax Askari oo ka tirsan Ciidamada amaanka Koonfur Galbeed ayaa la sheegay in ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen lama soo warin wax dhimashaa.

Saraakiisha Ciidamada Booliiska koonfur Galbeed oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay in ay wadaan baaritaano lagu baacsanayo ragii falkaasi geystay iyagoo ka gaabsaday in ay ka bixiyaan faah-faahino intaasi ka dheeraad ah.