Somali News

Biljimka oo u yeertay Dhaqaatiirta qabta Cudurka Corona inay shaqada dib ugu soo laabtaan.

Dowladda Biljimka oo u yeertay Dhaqaatiirta qabta Cudurka Corona inay shaqada dib ugu soo laabtaan.

Saraakiisha dalka biljimka ayaa ka dalbaday dhaqaatiirta qabta cudurka Carona Virus inay shaqada dib ugu soo laabtaan maadama ay sii kordheen tirada dadka uusoo ridanayo cudurkaasi ee la dhigayo isbitaalada wadankaasi.


Madaxa dhaqaatiirta Biljimka oo Bbc da la hadlay ayaa sheegay in dhaqaatiirtaan looga maarmi waayay inay dib ugu laabtaan 10 isbitaal oo ku taala bariga wadankaasi oo dadka dhibaato weyn uu ku haayo cudurka Safmareenka ah.


Wadamo badan oo kamid ah Yurub ayaa ku dhawaaway in ay jiraan mowjado cusub oo Covid-19 oo dib ugu soo laabtay magaalooyinka qaar kuwaa oo bixiyay digniino caalami ah.